14 Gudoomiye degmo Maxkamadeed oo la Magacaabay

Isbedel ayaa lagu sameeyay Maxkamaddaha degmooyinka gobolka Banaadir, ka dib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

14 degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa loo Magacaabay Gudoomiyeyaal cusub oo ah Maxkamaddaha  degmooyinka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa sheegay in Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uu Magacaabay 24 qof oo isugu jira kuwo loo Magacaabay degmooyinka Muqdisho iyo kuwo kale oo lasoo dalacsiiyay oo ka shaqeyn doona Maxkamadda gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Garyaqaanada cusub in laga rabo  si Caddaalad ah in ay Bulshadda ugu shaqeeyaan.

Waxaa uu tilmaamay in Magacaabistaan ay qeyb ka tahay isbedel weyn oo dhawaan lagu sameyn doono Garsoorka dalka.