15 qof oo ku geeriyooday daadad xoogan oo ku dhuftay Kenya

Roob Daad Xoogan Wattay oo ka Da’ay dalka Kenya ayaa Waxa lagu soo Waramayaa Lagu La’yahay Ku Dhaaw 15 Ruux Kuwaasi oo ay daadku Qaadeen Dadkaasi ayaana la heeyn Raq iyo Ruux

Guddoomiyaha gobolka Narok Arthur Osiya ayaa sheegay in kooxaha gurmadku inaysan ku guulaysan dadaalkooda sababo la xiriira roobka oo cuslaa, isagoo muujiyay cabsida ku aadan inuu kordho khasaaruhu, sida aan kasoo xiganay wakaalada Xinhua.

Booliska iyo bisha cas ayaa kamid ah kooxaha samatabbixinta ee iskdayaya inay helaan dhibanayaasha.

Dhowr gaadiid ayuu roobku xaaqay, sidoo guryo ayaa ku bur buray, Waxaana ku xirmay wadooyin isku xiri jiray gobolka.