Gadoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyada Degmada Baydhabo Oo La kulamey Ardeyda Jaamacadaha Degmada Baydhabo.

Gudomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Dhinac maamulka Iyo maaliyadda Dr Yusuf Bare ayaa waxaa uu Gelinkii dambe ee manta kulan Balaaran la qaatey Ardeyda Jaamacadaha magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay,
Ardeyda oo isugu jirey Wiilal iyo gabdho Oo Dhamaantoodaba Barta Kuliyada Public health,

Dr yusuf Bare Gadomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Dhinac Maamulka iyo Maaliyada ayaa Ardeyda Waxaa uu Uga sheekeyey Muhiimada ay leedahay In la barto Kuliyadan, waxaana uu Sheegey in muhiim ay utahay Deegaanka,

Gadomiyaha ayaa Dhinac kale tilmaamey In ka maamul ahaan ay muhiimad gaar ah ay utahay In laga shaqeeyo Feydhoorka Degmada Ardeydana ku dhiirageliyey In ay Xooga Saaraan Nadaafada Degmada ay ku noolyihiin Maadaama ay Bartaan Public health,

Uga dhambeyntii Gadomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Dhinac maamulka Iyo Maaliyada oo hadalkiisa sii wata ayaa Sheegey in Maamulka degmada baydhabo ay Qorsheyneyaa Dib usoo Celinta Bilicda Degmada Baydhabo Janaay waxaana uu tilmaamey in Ay sameyn doonaan Barnaamijo waa weyn oo Geedi beeristii iyo Feydhoorka guud ee Degmada Baydhabo,waxaana intaasi ku darey in uu hormuud unoqondoono Barnaamijadaas,

Dhanyarada Ayaa ka codsadey in ay gacan ka geystaan Dib usoo celinta Nadaafada Degmada Baydhabo oo xogaamin doono maamulka Degmada Baydhabo.

Dr yusuf Bare Gadomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Dhinac maamulka Iyo Maaliyadda ayaa waxaa uu Wada dedaalo ku aadan sidii Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo ay Uga Qeyb qaadan lahaayeen Nadaafada Degmada Baydhabo Janaay,

Hadalkan ayaa Gadomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyada Degmada Baydhabo ka sheegey Xili uu gelinkii dambe ee manta Kulan balaaran la Qaatey Ardeyda Jaamacadaha magaalada Baydhabo Kuwaas oo barta Kuliyada Public health.

W/Q:Ahmed Bulle