Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdi Canshuur Xasan ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Wafdiga oo ay kamid yihiin Xildhibaano katirsan labada Gole ee Dowladda ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Cabudwaaq kusoo dhaweeyey, mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Guud ee Jaamacadda Ummadda Faraceeda Cabudwaaq Maxamuud Dirir.

U jeedada wafdiga Wasiir Cnshuur ayaa waxaa lagu sheegay hirgelinta balan qaadyo uu u sameeyey Jaamacada Ummadda faraceeda galmudug,isla markana uu ku wareejin doono Qalab Technology yada la xariira.