Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa halkaasi Maanta lagu dilay Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dhalinyarada ugu caansan degmada.

Dad ku sugan Ceel-Baraf ayaa waxay Risaala u sheegeen in dilka wiilka dhalinayarada ahaa oo lagu Magacaabi jiray Cabaas Axmed Kaneeco uu ka dambeeyey askari katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-baraf.

Ehelada Wiilka dhalinayarada ah ee la dilay ayaa Radio Baidoa waxaa ay u sheegeen in ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay Wiilkooda,isla markaana loo baahan yahay in cadaaladda la marsiiyo Ninkii ka dambeeyey.

Wiilka dhalinyarada ahaa ee lagu dilay degmada Ceel-Baraf oo lagu Magacaabi jiray Cabaas Axmed Kaneeco ayaa waxaa la sheegay in uu darawal u ahaa mararka qaar Aabihiis oo kamid ah Ganacsatada degmada Ceel-Baraf ugu caansan.

Maamulka degmada Ceel-Baraf iyo Saraakiisha Ciidamada Millateriga oo uu ka tirsanaa askariga dilka geystay weli kama hadlin dhacdadaas, iyada oo Maanta si weyn looga hadal haayo dilka wiilka dhalinyarada ah degmada Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowaladda ayaa marar badan dad shacab ah sidaan oo kale meela badan ugu dilay ayada oo inta badan aan cadaaladda la horkeenin askarta dilka geysata.