Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo shalay tagay magaalada Garowe ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland C.Welli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka labada dhinac u dhaxeeyay ayaa waxaa looga hadlay arimo ay kamid yihiin doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya iyo olalaha ra’iisul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.

Sidoo kale waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah abaaraha ka jira deegaanada Puntland, kuwaasi oo saameeyay dadka iyo xoolaha ku nool deegaanada qaar oo abaaraha ay ka jiraan.

Kulamada siyaasadeed ee u dhaxeeyay madaxweynaha Puntland iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray arimaha doorashada ka dhaceyso magaalada Garowe iyo tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar.

Cumar C/rashiid Cali ayaa sanadkaan doonaya inuu noqdaa madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu raadinayaa isbaheysi siyaasadeed.

Magaalada Garowe waxaa shalay dib kaga bilowday doorashada xildhibaanada aqalka hoose, iyadoo saaka doorashada ka dhacday magaalada Garowe ay kusoo baxeen xildhibaano kamid noqonaya aqalka hoose.