Gabar Soomaaliyed oo ku guuleysatay in ay ku biirto Baarlamaanka Norway.

Maryan Cabdi Xuseen oo ah Haweeney Asal ahaan Soomaali ah una tartameysay Kursiga Baarlamaanka Oslo tan & December 2020 ayaa ku guuleysatay in ay metasho Xisbiga SV ee Dalka Norway.

Waxa ay noqotay gabahdii ugu horreysay oo Afrikaan ah oo xubin ka noqota Baarlamaanka Norway, sidoo kale waa haweeneydii ugu horreysay Aqalka Baarlamaankaas gasha iyada oo xijaaban.

Maryan inta aanay siyaasadda gelin waxa ay ahayd Guddoomiyaha ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Norway (SSF), waxa ay kamid ahayd aas-aasayaashii ururkaas oo la dhidbay 1993-dii.

Waxa ay Booska labaad muddo dheer ugu jirtay tartanka xisbigeeda oo ugu dambeyn ku guuleysatay codeyntii ugu dambeysay ee la sameeyay, taasi ayaa ka dhigtay in Maryan Cabdi Xuseen si rasmi ah u noqoto wakiilka Xeer dejinta ee Oslo.