47 Leyli Saraakiil oo tababar loo soo xiray

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad tababar loogu soo xiraayay 47 Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka Qalin jabiyay kuliyada tababarka Turkisom ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa bilooyinkii ugu dambeeyay kulliyaddaasi lagu tababarayay Ciidamo ka tirsan xoogga dalk Soomaaliyeed oo isku diyaarinaaya in ay Ammaanka dalka kala wareegaan ciidanka AMISOM.

“Waxaan Maanta aan ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinayay 47 Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka Qalin jabiyay kuliyada tababarka Turkisom ee Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Indhoqarshe.