5 Askari oo Maanta lagu diley Duleedka Baydhabo

Al-shabaab ayaa maanta labo weerar ka kala geystay degaannada Makuuda iyo wadada isku xirta Baydhabo iyo Buur hakaba  oo ka  tirsan Gobolka Bay iyo  waxaana ku dhintay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan shan Askari ayaa lagu diley Ciidamo ku sugnaa Deegaanka Makuudo oo Bar kontorool ku sugnaa waxaan weerar gaadmo ah ku soo qaadey alshabaab.

Wararka ay heleyso idaacada Radio Baidoa ayaa sheegaya in alshabaab uu qaatey 5 qori oo ay lahaayeen Ciidanka Dowlada.

Ciidamo gurmad ahaa oo ka tegey baydhabo ayaa goobtaasi gaarey waxaan ay halkaasi ka soo qaadeen meydadka Askarta.Saraakiisha Ciidanka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shergay in ay ku daba jiraan alshabaabka weerarkaasi geystey.