MADAXWEYNAHA DGKGS OO HAMBALIYO UDIREY GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS MUDANE SHEKH AADAN MADOOWE.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Hambaliyo udirey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa lagu doortay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

 

“Waxaan Hambaliyo leeyahay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Waxaan Rabi uga barinayaa inuu la garab galo xilka culus ee loo doortay.

 

Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) in uu la garab galo xilka culus ee ugu dhaartay ka shaqaynta Danta Dalka, Dadka iyo Diinta. Sidoo kale waxa uu xusay Madaxweynaha doorkii Wanaagsanaa ee ay ka qateen Xildhibaanada, Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka inay qabsoonto Doorasho Xur iyo Xalaal ah.

 

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED.