6kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Kismaayo

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay doorashada lix kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashasoodu tahay dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kursiga koowaad ee Hop114 ayaa waxaa ku tartamay Cumar Ibraahim Xaashi & Cabdi Aadan Cabdullaahi, hayeeshee waxaa Kursiga ku guuleystay Cumar Ibraahim Xaashi oo helay 80 cod
Halka Cabdi Aadan Cabdullaahi oo la tartamay uu helay 12 cod, waxaana halaabay 8 Cod.

Kursiga labaad ee doorashada Maanta ayaa waxaa ku tartami lahaa Maxamed Sheekh Nuur Cismaan iyo Xasan Cismaan Aadan, balse waxaa kursiga ku guuleystay Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo cod gacan taag ah loogu codeeyay , kadib markii uu tanaasulay Xasan Cismaan Aadan oo la tartami lahaa.

Kursiga Saddexaad ee HOP 107 ayaa waxaa cod gacan taag ah ku guuleystay Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, kadib markii uu tanaasulay Xasan Cismaan Aadan oo la tartami lahaa.

Kursiga Afaraad ee HOP11 ayaa waxaa ku tartamay Wasiirka Kalluumeysiga Maamulka Jubbaland Cabaas Cali Ibraahim iyo Aadan Mursal Cadow, balse uu ku guuleystay Wasiirka Kalluumeysiga Maamulka Jubbaland Cabaas Cali Ibraahim oo helay 79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu helay 17 cod.

Kursiga Shanaad ee doorashada Maant ka dhacday Magaalada Kismaayo ee HOP093 ayaa waxaa ku tartamay Siciid Maxamed Cali iyo Mahad Nuur Xaaji Cismaan, balse waxaa kursiga ku guuleystay Siciid Maxamed Cali.

Siciid Maxamed Cali ayaa waxa uu helay 74 cod
Mahad Nuur Xaaji Cismaan ayaa isna helay 24 cod, halka 3-codna uu halaabay.

Kursiga lixaad ee Hop028 ee doorashadiisa ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku tartamay Cabdinuur Cali Aadan iyo Axmed Cabdi Maxamed, waxaana kursiga ku guuleystay Cabdinuur Cali Aadan kadib markii uu u tanaasulay musharaxii la tartamayey oo ahaa Axmed Cabdi Maxamed.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday Maamulka labaad ee dardar geliya doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana sidoo kale la filayaa in dhawaan Magaalada Kismaayo lagu qabto Xubno kale oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka.