Adey deeq wax barsho ka heley dalka itoiya ooo manta muqdisho xaflad sagootin ah loogu sameeyey

Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliita Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka munsaabad sagootin ah ugu sameeyay 300 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka itoobiya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka dowladda u itoobiya u jooga Soomaaliya Jamaaludiin mustafa Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka itoobiya kula dardaarmay inay ka faa’ideystan fursada ay heleen.

Jamaaludiin mustafa Safiirka Dowladda Itoobiya u jooga Soomaaaliya ayaa ardayda u sheegay in ay u diyaara garoobaan in ay hormariyaan waxbarashadooda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa ah.