Afaraale ;Jidgooyooyin hor leh ayaa la soo dhigey Sh.Hoose

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaare oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Booliska iyo Milatariga Soomaaliya ay Jidgooyooyin hor leh soo dhigteen qeybo ka mid ah Gobalka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in isbaarooyinka lagu dhibaateeyo Shacabka ku safraya wadooyinka Gobalka Shabeelaha Hoose, Isagoona Tilmaamay in dadka laga qaato Waxyaabaha ay wataan iyo dhibaatooyin kale.

Xidlhibaan Afaraale ayaa waxaa shaaca ka qaaday in dhowr jeer wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya ay kala hadleen jidgooyooyinka ay soo dhigteen Ciidamada Booliska iyo Militariga la qaado, islamarkaana Arimahaasi Waxa badan Laga qabto  mar uu lahadalaayey wabaahinta madaxa banaan

Waxaana uu ugu baaqey Dowlada dhexe ee soomaaliya in ay wax ka qabato arrimahaasi