Agaasimaha koowaad ee garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo Ka hadley Dayactir lagu Sameynayo Garoonka

Agaasime ku xigeenka koowaad ee Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud Airport ee Baydhabo Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa ka warbixiyey howlo dib u dayactir ah oo ka socda Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud Airport.

Wuxuuna sheegey Agaasinka in maalin walba oo Jimco ah Gelinka dambe Garoonka
Dayactir lagu sameynayo isla markana hakad ay galayaan duulimaad yada maalmaha jimcaha gelinka dambe si loo dayactiro Garoonka.

Maxamed Sheekh Cabdullaahi Agaasimaha koowaad ee Garoonka Shaati Gaduud ayaa sheegey Dayactirka Garoonka in ay iska kaashanayaan wasaarada Gaadiidka ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale Amisom.

Agaasime ku xigeenka Koowaad ayaa sheegey in Garoonka lagu sameynayo Dayactur heerkiisa uu sareeyo isla markaana kor loo qaadayo lana kordhinayo howlaha Airporka Baydhabo ee Shaati Gaduud.

Magaalada tan baydhabo ayaa maalin walba waxaa ka soo dega kana duula Diyaaradaha noocyadooda kala duwan kuwa Ganacsiga kuwa hay’adaha iyo kuwa amisom wuxuuna howlo muhiim ah u hayaa Bulshada ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya