Agaasimaha nabad sugidda Soomaaliya oo is casilay

Agaasimaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa iska casilay xilkii nabad sugidda uu ka hayay.

Agaasime Xuseen Cismaan ayaa warqadiisa is casilaada wuxuu u gudbiyay madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is casilaadiisa, blase waxaa la sheegay inuu isku casilay arrimo isaga u gaar ah.

Warar soo baxaya oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Xuseen uu isku soo sharaxayo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

War qoraal ah oo la soo dhigay bogga NISA ay ku leedahay Twitterka ayaa lagu qoray warkan.