Agaasimaha Wasaarada Howlaha Guud KGS kulan laqaatey Haweeney ka socotey Hay’adda UNHABITAT”SAWIRO”

Agaasimaha guud Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Shir Gudoomiyey kulan u dhaxeexey wafdi kasocdey Hay’adda UNHABITAT oo ay hogaamineysey Haweeneyda lugu magacaabo Enkhtuya Saldan oo ah madaxa maamulka ( Programme Management Officer)

Kulanka ayaa ahaa mid la iska wareysanaayey wadashaqeynta hey,adda iyo Wasaaradda sidii loo xoojinlahaa.

Ugu dambeyntii Agaasimaha guud Wasaaradda mudane Yussuf Wadani ayaa dhankiisa aad uga Mahad celiyey hey’adda UNHABITAT wada-shaqeynta wanaagsan ay laleedahay Wasaaradda iyo weliba in lasii dhameystiro heshiisyadii ay horey ay uwada galeen.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda oo ay Hay’adda kacaawiso dhanka farsamada.