Ahlusunna oo soo bandhigtay heshiiskii ay wada galeen Dowladda Federaalka

Hoggaanka Sare ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa soo Bandhigay Nuqulada ay sheegeen in uu yahay Heshiiskii ay wada gaareen, iyaga iyo Dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Heshiiska oo dhowr qodob ka kooban ayaa Cadeynaya qaabka xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug kaas oo la saxiixey Bishii June ee Sanadkaan 2019.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ahlusunna ay warqadaan ah heshiiska ay horay ula galeen Dowladda Fedearalka ay u direen xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Ahlusunna ayaa horay u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya uga baxday hehsiisyadii ay wada galeen, inkasto Wasiirka Arrimaha Gudaha uu dhankiisa sheegay in arrintaasi aysan waxba ka jirin.