AKHRISO/Dowladda Somaliya oo Shaqooyinka ka joojisay laba Hay’adood

Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu hakiyey Shaqooyinkii Ay dalka ka hayeen laba hay’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media ,kuwaas oo kamid ah Hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya.

Wareegto uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey Shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi Hay’adood

Sababaha Shaqada looga hakiyey labada Hay’adood ayaa waxaa lagu sheegay ka dib markii ay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hey’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee Ku sugan gudaha dalka.

Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka Shaqeeyaan Arrimo la xiriira dhinaca Warbaahinta, iyaga oo Xarumo waaweyn ku leh Magaalooyinka Nairobi ee dalka Kenya iyo Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland