AKHRISO: Galmudug oo ka jawaabtay hadalkii Xildhibaanada DFS

Maamulka Galmudug ayaa ka jawaabay hadal shalay kasoo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto degaanada maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Xasan Masagaway oo Warbaahinta kula hadlay Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya ee kasoo jeedda degaanada Galmudug in ay qabsadaan shaqooyinkii loo idmay.

Wasiirka waxaa uu sheegay in warkii shalay kasoo baxay uu u muuqday mid baalmarsan Sharciga maamulka Galmudug.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Dhexe , Beesha Caalamka iyo dowlad goboleedyadda in aan lasoo faragelin howlaha dib u heshiisiinta ee ka socota Magaalada Dhuusmareeb.

Hadalkaan ayaa waxaa kusoo beegmaya xilli shalay xildhibaanada dowladda Dhexe ee laga soo doorto degaanada Galmudug ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan qaabkii loo maray dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.