AKhriso: Maxay tahay Sababta Kuuriyada Waqooyi ay u beddeshay wakhtigeeda saacadda

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay iney wakhtigeeda saacadda beddeshay, islamarkaana ay dooneyso in ay la sinto wakhtiga Koonfurta Kuuriya kaddib marki uu toddobaadki hore wadahadal dhex maray labada dhinac.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay , iyadoo oo soo xigatay saraakiil sare wakhtigeeda saacadda ay dib u dhigtay 30 daqiiqa maalinta sabtida ah

Dib u dhigidda saacadda waa “ficilki ugu horreeyey oo lagu tallaabsado” si loo dardar geliyo “geedi socodka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed sidi loo mideyn lahaa.

Ilaa iyo hadda waa wakhtiga piongyang , oo 30 daqiiqo ka dambeeya wakhtiga Kuuriyada Koonfureed iyo Jabbaan.

30 daqiiqo oo dheeri ah ayaa waxay soo saartay 2015-kii, iyada oo uga soo horjeedda “Jabbaaniyiinta kuwa sharka leh ee wax ihaaneeyo” sababta oo ah waxay wakhtigooda u beddeleen si ay Tokyo iisu waafajiyaan xilliga uu biyo gacmeedka Kuuriya uu gacanta ugu jiray Jabbaan.