AKHRISO: Puntland oo Guddoomiye u Magacowday Magaalada Laascaanood

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Camey ayaa magaalada Laascaanood u magacaabay Duq Ama Gudoomiye Cusub kaasi oo ah Cabdiqani Makhtal Maxamed Garaad.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka Somaliland waxaana Puntland ay dhowr jeer sheegtay in ay duulaan ku tahay.

Magacaabistaan ayaa sii xoojinkarta Xiisadii u dhaxeysay Puntland iyo Somaliland oo Bilihii lasoo dhaafay ka jirtay gobolka Sool.