Akhriso;Beellihii ku dagaallamay bariga Mudug oo heshiis kala saxiixday

Odayaasha dhaqanka Beelihii dhawaan ku dagaallamay bariga gobolka Mudug ee ay kala dhex galeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta heshiis horudhac ah ku kala saxiixday Afbarwaaqo.

Kulan dhex maray Odayaasha Labada dhinac islamarkaana lagu Xoojinaayo Heshiiskii Lagu kala qaadayay Ciidamada Halkaasi ku dagaalamay ayaa heshiis ku gaaray degaanka Afbarwaaqo.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xooga dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjoog ka ahaa Heshiiskaan,

Waxaana ka mid ahaa in la dhiso ciidamo isku dhaf ah
2. Gudi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood,
3. in Si Nabad ah ay uwadda daaqaan Xoolaha Dadka ree Guuraaga ah
4. in qofkii qof kale dila lagu Xukumo Dil Toogasho ah
5. In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto.