Akhriso;Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Golaha wasiirrada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta heshiiskii madaxda maamul goboleedyada,

Maamulka KOONFUR GALBEED oo ka mid ah maamul goboleedyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa  ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u dhaqan galineyso heshiiskii ka soo baxay shirkii ay madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Golaha wasiirrada oo shir ku yeeshay magaalada baydhabo ayaa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shaqaalaha Maamulka Koonfur Galbeed ka mamnuucay iney ka qeyb galaan shirarka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxaana ay isku raaceen goluhu oo ay taageero buuxda u muujiyey go’aannadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo.

 

Dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa dhawaan warmurtiyeed ay ka soo saareen Kismaayo ku sheegay iney hakiyeen xiriirkii xukuumadda dhexe, taasoo qeyb ka ah khilaafaad u dhexeeya labada dhinac ee in dhawaaleba soo jiitamayay.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA