Al-shabaab oo Afduubteen Shaqaalo Kaluumeysi oo u dhashay Iran.

Ururka Al-shabaab ayaa afduubtay 14-Kaluumeysato oo saarnaa dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran,waxayna doonta qabsadeen xilli ay xeebta ka sii baxeysay,sida lagu yiri war laga sii daayay Tv-ga Qaranka Iran.

Kooxda ayaa kaluumeysatada gacanta ku dhigay ka dib markii doonidii ay saarnaayeen ku siqday goob ay ku xooganayeen Al-shabaab arbacadii shalay,sida AP u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka xeebta Galgaduud.

 Al-shabaab oo xiriir dhow la leh Al-Qaa’ida ayaa qaaday weeraro gudaha iyo meelo ka baxsan,mana jirto sida warbixinta lagu yiri Hadal ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan aarintaan afduubka loo geystay shaqaalo u dhashay dalka Iran.
War laga sii daayay television Qaranka Iran ayaa shaaca looga qaaday jiritaanka afduub loo geystay shaqaalo Iranian ah,waxaana doonida Kaluumeysiga lahaa Urur kaluumeysi oo ka jira dalkaas (Iran Iranian fishing organization),waxaana cilad farsamo ay ku timid markii ay mareysay meel u dhow xeebta Soomaaliya.
Kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya ee ka jira xeebaha Soomaaliya ayaa mar ahaa Qatarta amniga ee saameynta ku yeelatay caalamka,laakiin weerarada shufta badeeda ayaa hoos u dhacay sanadihii ugu danbeeyay.