Wararka ka imanaya tuulada Haluqa oo ka tirsan degmada Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay galeen cutubyo ka tirsan ciidanka ururka Al-Shabaab.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bam ku tuureen birta telefoonnada ee shirkadda Safaricom taasi oo goysay isgaarsiintii.
War lagu daabacay baraha Al-Shabaab wararka u faafiya ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay qabsadeen degaanka Haluuqa , islamarkaana ay gacanta ku hayaan.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ciidanka Al-Shabaab ay burburiyeen shirkadaha isgaarsiinta ee ku yaalla degaanka.
Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dowladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya