Al Shabaab oo Gadiid Khaad siday ku gubay Gobolka Gedo

Wararka laga helayo Degmada Garbahaareey ayaa sheegaya in Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay labo Gaari oo Khaad siday ku gubeen inta u dhaxeysa Degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab ay jidka u galeen labadaasi Gaari xili ay marayeen inta u dhaxeysa Degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaareey.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Radio Baydhabo  ayaa sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen iyagoo dhaawacan Dareewalada labada Gaari ee lagu gubay Gobolka Gedo.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sidoo kale horey u ka xeystay Dareewaladaasi, sida Wariye madaxbanaan uu u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan lagu qaaday Gaariga ayaa waxuu daba socdaan amar dhawaan ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in Khaadka aan lagu isticmaali karin Degaanada Gobolka Gedo.

Muddooyinkii dambe Xoogaga Al Shabaab ayaa Dadkii lagu hela ka ganacsiga ama istimaalida Khaadka waxey ganaax ahaan uga qaadayeen lacag dhan kun iyo Shan boqol oo doolar ($1,500), sida Dadka Degaanka ay u xaqiijiyeen Radio Baydhabo

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo oo ku aadan amarada Al Shabaab iyo Weerarkan khasaaraha geystay oo lagu qaaday Gaadiidkii Khaadka geeyay Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.