Al-shabaab oo la Wareegay Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen Degaankaasi oo 30 KM u jira Magaalada Baydhabo oo Xarun u ah Gobolka Baay.

Degaanka Goof-gaduud oo dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidamada KGS oo ay isbaheysanayaan Ciidamada DF Soomaaliya waxaa ay dhowr jeer oo hore ay siweyn isaga difaaceen ururka alshabaab ayaa la sheegayaa dagaal kooban kadib in ay isaga baxeen Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa KGS oo bilihii dambe Maamulayay Goof-gaduud,lamana oga Sababta ay uga baxeen iyo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi kooban ee dhexmarey labada dhinac

Waraar Saaka Laga Helayo Deegaankaas ayaa sheegaya In Shabaab ay Difaacyo ka sameysteen Wadooyinka laga soo galo Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.