Al Shabaab oo la wareegay degaanka Goofgaduud

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay markale la wareegeen maanta degaanka Goofgaduud Buureey oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Al Shabaab oo shalay aroortii la wareegay degaankan ayaa dib uga baxay isla shalay duhurkii, kadib markii ay ka war heleen in ciidanka xoogga dalka ay weerar ku soo yihiin.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in maanta markale ay dagaal la’aan la wareegeen degaankan, kadib markii ay isaga baxeen ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda.

Ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab, watana gaadiidka dagaalka ayaa gudaha degaankaasi galay, waxaana ay fariisimo ka sameysteen dhawr meel sida ay inoo sheegeen dadka degaanka qaarkood oo aynu la hadalnay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Al Shabaab ay hawlgallo ka wadaan xaafadaha qaar ee degaankaasi, iyadoo wax faah faahin ah aan laga helin howlgalkaasi.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, marar badan sidan oo kale ayey uga baxeen deegaanka Goofgaduud, waxaana deegaankaasi la wareegay dagaalyahannada Al-shabaab walow iyaguna ay dib u faarujiyaan.