Al-Shabaab oo Saacado kooban Gacanta ku hayey degaanka Goofguduud Buureey

 

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay Abaare 11:00 Habeenimo la wareegay gacan ku heynta degaankaasi oo bilihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaankaasi  ayaa Radio Baidoa waxaa ay u sheegeen  in Saaka Barqadii ay dib uga baxeen Al-Shabaab degaankaasi ka dib Saacaddo ay gacanta ku haayeen .

Ciidamada Ammaanka dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa dib ugu laabtay degaankaasi oo muhiim u ah dhanka Ciidamada ka howlgallada gobolka Baay.