Al Shabaab oo sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsanaa Puntland

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa maanta waxa ay halkaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa Maamulka Puntland.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xasan Xiir, kaasi oo ahaa Sarkaal laba xidigle ah, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka tirsan dadka degaanka.
Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faaiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen raggii dilka geystay in ay si nabadgelyo ah uga baxsadeen goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamo hubeysan.
Hadii aan dib u milicsano Shabaab shalay Qarax jidgal oo ay la eegteen Ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Galgala ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa qeybta Miina Baarista maamulka Puntland
Ururka AlShabaab ayaa u muuqda kuwa kordhiyay weerarada ka dhanka ah ee Ciidamada Maamulka Puntland, kadib markii sanadkan cusub 2018 ay laba weerar ka geysteen Gobolka Bari.