Al Shabaab oo sheegtay inay qabteen Diyaarad Drone ah

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Shabaab ay qabteen diyaarad nooca loo yaqaan Drone ee loo adeegsado basaasida goobaha dagaalka.
Shabaab waxa ay sheegteen diyaaradan inay ku soo dhacday duleedka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan deeganada Shabaabka ay joogaan, kadibna halkaasi ay ka qaadeen ciidamo Shabaab ka tirsan.
Ma aysan cadeyn rasmi ahaan deegaanka ay ku soo dhacday diyaaradan Drone-ka ah ee Shabaab ay sheegteen inay gacanta ku dhigeen.
Maalmo ka hor Shabaab sidaan oo kale waxa ay sheegteen diyaarad Drone ah inay ku soo dhacday Gobolka Jubbada hoose oo ciidamada Shabaab ay qabteen diyaaradaasi sida ay sheegeen Shabaab.
Diyaaradaha Drones-ka ayaa badanaa waxaa adeegsada dowladda Mareykanka, waxayna u kala baxaan dhawr nooc, kuwa gantaalo lagu xambaaro iyo kuwa Camerooyin ay ku xiran yihiin oo duuba muuqaalada.
Ciidamada Mareykanka ayaa Saldhig Militari waxa ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ka qorsheeyaan weerarada abaabulan.