Al-Shabaab Oo Sheegtey Sababta Ay U Dileen Gen. Maxamed Nuur Galaal

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray weerar Qaraxyo ku billawday oo ay shala galab ay ku qaadeen Hoteelka Afrik , waxaana weerarkaasi lasoo afjaray xalay goordambe iyadoo ay ku dhinteen dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin.

Bayaan lagu faafiyay Baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerar kaasi, iyo cidda la doonayay in lagu bartilmaameedsado.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in bartilmaameedka Koowaad ee Weerarku uu ahaa Alle ha u naxariistee Generaal Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid noqday dadkii xalay ku dhintay Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Hoteel Afrik.

Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in muddo dheer ay baadi goob xooggan ku hayeen Gen.Maxamed Nuur Galaal, waxaa ay intaas ay ku dareen in uu ahaa Shaqsi muhiim ah oo aqoontiisa iyo khibradiisa dhanka sirdoonka iyo ciidamada uu uga faa’iideyn jiray Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale bayaanka Al-shabaab lagu sheegay in Alle ha u naxariistee Gen.Galaal uu qayb muhiim ah ka qaatay dhisidda Ciidanka Qaranka.

Sidoo kale Al-Shabaab waxaa ay intaas ku dareen in Janeraalk-ku uu dadaal iyo waqti ku bixiyay dhisidda iyo taageeridda Maamulka Galmudug, oo ay sheegeen in uu ka mid ahaa dadka waqtiga galiyay sidii maamulkaasi u istaagi lahaa.