Al-shabaab oo soo bandhigay diyaarad Drone ah oo ku dhacday Shabeelaha Hoose (Sawiro)

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa kasoo muuqday sawir muujinaya iyaga oo haya diyaarad nooca wax basaasa ah ee Drone-ka loo yaqaan taasi oo  kusoo dhacday Shabeelaha Hoose.

Afar kamid ah ciidamada Alshabaab oo wajiyadooda ay xirnaayeen ayaa soo bandhigay  diyaarada Drone-ka ah ee shalay ku dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa diyaarada kusoo bandhigay deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, mana la oga ilaa iyo hadda wadanka laga leeyahay.

Marar badan diyaarado wax basaaso oo aan duuliye laheyn ayaa Alshabaab waxay kusoo bandhigeen Shabeelaha Hoose, waana gobolka duqeymaha ugu badan ay ka fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

da

de

di