Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Degmada Baraawe

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalo xeebeedka Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan oo ahaa mid xooggan ayaa Al-Shabaab waxay dhowr jiho ka weerartay degmadaas, iyadoo gudaha u gashay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa meelaha ay ka weerareen Baraawe ka mid aheyd dhanka Xeebta, iyagoo gaaray illaa saldhiga magaalada.
Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay inay iska caabiyeen Al-Shabaabki xalay soo weeraray, iyagoo tilmaamay in haatan ay ku daba jiraan raadkooda.
Waxaa uu sheegay in isaga qudhiisa uu ka mid ahaa ciidankii xalay la dagaalamay, waxaana uu xusay inay khasaare u geysteen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka gubeen ciidanka dowladda labo gaari, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray ciidamada dowladda.
Ciidanka AMISOM ayaa saldhig ku leh duleedka magaalada Baraawe iyo halka looga galo, waxaana gudaha magaalada ku sugan ciidamada dowladda.