Al-shabaab oo weerar ku qaaday Goroonka diyaaradaha Baardheere

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay saldhig ku lahaayeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.
Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday saldhiga, waxaana kaddib dagaal fool ka fool uu dhex maray ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidankii soo weeraray saldhiga, isla markaana ay ku raad-joogaan.
Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qorsheysan ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanada gobolada dalka.