Al Shabaab oo weeraray Baraawe

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, Ururka Al Shabaab ayaa weerar culus galabta ku qaaday xeebta degmadaasi.

Shabaabka weerarka qaaday oo watay Dooman ayaa waxa ay si gaar ah u weerareen Markab raashiin siday, sidoo kalena Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM u siday agab Millatari.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Idaacadda Radio baidoa ee magaalada Baydhabo u sheegeen inay arkeen ilaa Afar Doomood oo ay saarnaayeen rag hubeysan oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dhanka xeebta ka soo galay.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Dekadda magaalada Baraawe ayaa waxaa la sheegay inay iska difaaceen ragga weerarka soo qaaday, halkaasina waxaa ku dhexmaray dagaal saacad socday.

Ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan, balse saraakiisha ciidanka dowladda ayaa waxa ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan weerarkan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidanka AMISOM dagaalka kadib ay tiro Madaafiic ah dhawr jiho u rideen, kuwaasi oo ku dhacay meelo kala duwan.