Alshabaab oo weerarey Deegaanka Deynuunay

Dagaal ayaa saaka waaberigii ka dhacay Deegaanka Deynuunay oo 25 km u jirta Magaalada Baydhabo Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Alshabaab ay weerareen Saldhiga Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen Deynuunay.

Dagaalkan ayaa dhacay Abaare 11 Saac Salaada Subax ka dib ugu yaraan Saacad iyo kabadan ayuu socdey Dagaalka Sida ay Radio Baidoa u xaqiijiyeen Dadka Degan Deynuunay.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey oo labada dhinac ah sida uu inoo xaqiijiyey Sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Cabdulle Isaaq.

Sargaalkan ayaa Sheegey in lagu jabiyey weerarkaasi ay soo qaadeen Alshabaab jabweyna lagu gaarsiiyey shabaabka wuxuuna sheegey in Dagaalkaasi kaga Dileen ugu yaraan 3 Askari oo ay la siicarareen.

Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Koonfur Gabeedna uu sheegey in uu jiro 1Askari oo dhimasho ah iyo 3 kale oo dhaawac ah.

Khasaaraha ugu badan Ciidamada Xooga Dalka iyo Kuwa Koonfur Galbeex Soo gaarey ayaa la sheegey in uu ka dhashey Ciidamo Gurmad ahaa oo Wadada loogu aasey waxyaabaha Qarxa kuwaa oo ku sii jeedey Deynuunay oo ay u gurmanayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.