Amisom waan dajinay qorshihii shabab aan ku weerari lahayn (Daawo Sawiro)

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay kulan muddo saddex maalmood kaga soconaayay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Amisom ee Xalane, ayaa waxaa laga soo saaray qaraar ka dhan ah deegaanada, ay ka arrimiyan Ururka Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, General Cismaan Nuur Subagle, ayaa shaaca ka qaaday in leesku waafaqay in weeraro lagu qaado dhulka, ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab Shabaabka.

Kulankan lagu soo gaba gabeeyay Xarunta Xalane, ayuu sheegay in lagu dejiyay istiraatiijiyaddii lagu weerari lahaa dhulka, ay ka arrimiyan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

General Subagle, ayaa ku kalsoon in hawlgalkan lagu qaban doono qaybo ka mid ah dhulka, ay ku xoogan yihiin dagaal-yahanada taabacsan Shabakadda Al Qaacidda.

General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa isaguna sheegay in Ciidanka Xoogga, ay diyaar u yihiin inay gacan wayn ka gaystaan hawlgalkan.

Hawlgalkan cusub ee looga dhawaaqay Xalane, ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, iyadoo Xarumaha Maamul Goboleedyada ay ka soconayan soo xulista Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

1

2

3

4

5

6

7

8

9