Ammaanka wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad oo Hirshabeelle adkeysay

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay wada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka taagneyd xaalaad amni daro oo aad u sareysa, ayaa waxaa arrintaas ka hadashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeele.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeele Maxamed Cali Caadle oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladii amni xumi ee ka taagneyd wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar wuxuuna sheegay inay soo hagaageyso.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in hadda xalada amni ay tahay mid la isku haleyn karo marista wadadaasi, amnigana ay si buuxa gacanta ugu dhigeen ciidamada.

Hadalka Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeele Maxamed Cali Caadle ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay wada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka jirtay xaalaad amni daro, iyadoona mararka qaar ay Al-shabab wadadaasi u galayeen gaadiidka ay leeyihiin masuuliyiinta, iyo ciidamada Hirshabeelle iyo kuwa Dowladda Federaalka ee wadadaasi isticmaala.