Amniga Boosaaso oo faraha Ka baxay

Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada Boosaaso gaar ahaana aaga lagu magacaabo jiiro garoob ku dilay nin lagu magacaabo Siciid Maxamed Maqadeeye .

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ku hubeysanaayeen Bastoolado,islamarkaana dilka ka dib ay goobta ka baxsadeen.

Marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa  iskaashatada gaadiidka Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya xaafadaha Boosaaso .

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.

Amniga Magaalada Boosaaso ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya Maalmo ka hor ayaa waxaa dil loogu geystey Dad ka soo jeeda Qowmiyada Oromada.

Dilalka ka dhaca Boosaaso Ayaanan jirin cid loo soo qabto