Aqoon isweydaarsi lagu tayeynayo Manhajka Jaamacadda Banaadir oo ka furmay Muqdisho

Wajigii labaad Aqoon-isweydaarsi la xiriira tayeynta iyo sare u qaadida Manjahyada wax looga barto qaar ka mid ah kuliyadaha Jaamacada Banaadir ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho.

Munaasabada furitaanka seminaarkan oo dhowr cisho socon doona ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, Masuuliyiinta sare ee Jaamacadda & Mu’asasada Banaadir, Macalimiin iyo howlwadeeno ka socday Jaamacadda Makerere ee dalka Ugandha iyo xubno kale.

Waxaa loo qabtay aqoon isweydaarsigan macalimiinta iyo hormuudyada afar ka mid ah Taqasusyada Qeybta Waxbarashada heerka labaad ee Jaamacada Banaadir (Master) oo kala ah taqasuska Qaliinka guud, taqasuska cudurada haweenka, taqasuska cudurada caruurta iyo taqasuska daweynta gudaha, waxaana sidoo kale loo qabtay saddex Kuliyadood oo kala ah, Kuliyadda dhaqaalaha iyo Maamulka, Kuliyadda Culuunta Kombiyuutarka iyo Kuliyadda barashada kheyraadka dhulka, waxaana fududeyntiisa ka qeyb qaadanaya Macalimiin ka socota Jaamacada Makerere ee dalka Ugandha.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay furitaankii seminaarkan ayaa sheegay in guusha laga gaaray wejigii hore ee seminaarkan ay sababtay qabashada Wejigiisa labaad.

“Mudada uu socdo seminaarkan waxaa lagu tifaftirayaa manaahijta waxbarashada saddex kuliyadood iyo afar taqasus oo ka tirsan qeybta Masterka, si looga dhigo manaahijtooda kuwo la mid ah, lana tartami kara kuwa caalamiga ah” ayuu yiri Guddoomiye Dalmar oo u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha tababarkaas, Mu’asasada Banaadir oo maalgelisay Mashruucan iyo macalimiinta ka socotay Jaamacadda Makerere.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada seminaarkan oo uu xusay inuu wax looga bedelayo Manaahijta qaar ka mid ah kuliyadaha Jaamacada Banaadir.

“Manhajyada wax lagu baro ardayda waa muhiim in markasta dib ugu habeyn lagu sameeyo si loogu soo daro waxyaabaha cusub ee aqoonta ku soo kordhay, ulana jaanqaado manhajyada kale ee Jaamacadaha caalamka” ayuu yiri Prof. Dufle oo intaas ku daray in arintan ay muujineyso dedaalka iyo juhdiga ay Jaamacadda Benaadir had iyo jeer gelineyso sidii ay u soo saari laheyd aqoonyahano tayo leh.

Hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday ayaa isna sheegay in seminaarkan wejigiisa koowaad ee sanadkii hore la qabtay daraasada lagu sameeyey ay aheyd mid aad u qiimo badan, faaiido badana laga helay, wejiga labaadna ay rajaynayaan in guulo dhaxalgal ah laga gaaro.

“Tayeynta lagu sameynayo manhajka waxay faaiido u tahay ardayda Jaamacadda, maxaa yeelay waxaa laga shaqeynayaa tayeynta iyo horumarinta aqoontii ay baran lahaayeen, waana waa markii ugu horeysay ee Jaamacad Soomaaliyeed ay ku dhaqaaqdo dib u habeynta manaahijteeda waxbarasho” ayuu yiri Dr Biday.

Waxaa sidoo kale ka hadlay xiritaanka seminaarkan qaar ka mid ah macalimiintii ka socotay Jaamacadda Makerere oo kala ahaa Mr. Salim Kinyiri iyo Prof. Mohamed Enguma, waxayna sheegeen iney ku faraxsan yihiin ka qeyb galka seminaarkan, iyagoo ka waramay faa’iidooyinka tayeynta manaahijta, waxayna Jaamacadda Banaadir ku amaaneen horumarka ay ku talaabsatay iyo dedaalka ay ku bixineyso sidii ay u soo saari laheyd aqoonyahano tayo fiican leh.

Xubnaha munaasabadan ka hadlay ayaa waxaa kaloo ka mid ah Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Mohamed Yuusuf, Dr. Maxamed Maxamuud Fuje, Prof. Axmed Yuusuf Guuleed, Dr. C/raxmaan Macallin Fiqi iyo xubno kale.

Wejigii koowaad ee aqoon isweydaarsigan oo la qabtay intii u dhexeysay 26-30kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ayaa waxaa manaahijtooda dib loogu eegay, laguna casriyeeyey shan ka mid ah 12-ka Kuliyadood ee Jaamacada Banaadir ka kooban tahay kuwaasoo kala ahaa kuliyadaha Caafimaadka, Beeraha, Ingineerinka, Xanaanada Xoolaha iyo Kuliyadda culuunta Caafimaadka.

Maamulka Jaamacada Benaadir ayaa dedaal badan geliya sare u qaadida aqoonta kumanaanka arday ee wax ka barata kuliyadaha Jaamacadda, taasoo Jaamacadda ka dhigtay iney ka mid noqoto kuwa ugu wanaagsan Soomaaliya.