Aqriso magacyada xubnaha Aqalka hoose ee lagu doortay magaalada Kismaayo

0 326

Magaalada Kismaayo maanta waxaa la filayay in lagu soo gaba gabeeyo Doorashada Aqalka Hoose, maadaama ay harsanaayeen Saddex kursi, sidoo kalena horey loo doortay 40 Mudane.

Doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu doortay Labo kursi, waxaana dib loo dhigay hal kursi oo maalinta beri ah la filayo in la doorto.

Labada xubnood ee maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin C/laahi Maxamed Aadan Shaaciye oo helay codad gaaray 44 cod iyo Sagal Cabdirisaaq Isaaq oo heshay 27 cod.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ilaa iyo hada waxaa lagu doortay 42 xildhibaan, waxana harsan hal kursi oo maalinta beri la dooran doono, maadaama 43 xildhibaan ay ka imaanayaan Degaanada Jubbaland.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.