Arday ku dhawaacantay Rabshaddo ka dhacay Muqdisho

Ardayda Iskuulaadka Degmada Dharkeenley ayaa Banaanbax iyo Dhagax tuurid bilaabay, kadib markii laga joojiyay imtixaankii u socday ee dalladda FPENS.

Sidda Radio Baidoa u xaqiijiyeen dadka degaanka waxaa ku dhaawacmay Rabshaddaha halkaasi ka dhacay qaar ka mid ah Ardayda waxa ka barata Iskuulladda ku yaalla degmadaasi.

Ardayda waxa ay ka xanaaqeen Imtixaanka in laga joojiyo, Masuuliyiinta Iskuulada waxa ay leeyihiin qishka Imtixaanka ayaa suuqa soo galay, sidaas ayaan ardayda looga joojiyay Imtixaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa cabasho xooggan laga muujinaayay Imtixaanka Mideysan ee ay sanadkaan soo rogtay Dalladda waxbarashadda ee FPENS.