Ardaydii ugu badneyd Oo Fariistay Jaamacadaha Baydhabo(SAWIRO)

Ku dhawaad labo boqol iyo kunton arday oo kasoo qalanjabiyey sanadkan dugsiyada sare oo isku diwaan geliyey jaamacada baydhabo international University {BIU} ayaa manta u fadhiistay imtaxanaadkii koowaad ee jaamacadda,

Ardaydan oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho kana soo baxay dhamaan iskuulada kuyaala Baydhabo ee manta u fadhistay imtaxanadka aqbalaada koowaad ee jaamacadda waxayna u diyaar garoobayeen ka mid noqoshada ardeyda jaamacadda,
Mukhtar Adam Ibrahim madaxa ardayda iyo maaliyadda ee jaamacadda BIU ayaa ugu horeynti ka hadlay imtaxanaadka,

Waa sanadkii ugu badnaa oo arday kasoo baxay dugsiyada sare ee Baydhabo oo isla magaaladii jaamacad ay ka galaan waana tilaabo kale oo ay ku talaabsadeen maamulka iyo macalamiinta jaamacadaha ee ku yaala Baydhabo.