Arsenal Oo Heshiiska U Kordhineysa Mesut Ozil Kadib Waxqabadkiisa Xili Ciyaareedkaan

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska Arsenal ayaa laga yaabaa iney heshiis kordhin ku abaalmariso kubad sameeyaheeda Mesut Ozil kaas oo qaab ciyaareed aan caadi aheen ku bilowday xili ciyaareedkaan.

Bandhigga wacan ee Mesut Ozil wuxuu Gunners ka saaciday iney kaalinta labaad ee horyaalka fariisato iyadoo ku dhibco ah kooxda Manchester City walow looga sareeyo kaliya dhanka goolasha

Xidigii Hore Real Madrid Ozil wuxuu noqday geesiga Gunners xagaagan isagoo caawiye ka noqday 10-gool xili horyaalka uu bilow yahay.

27-jirkaan heerka caalami heshiiska uu Gunners kula jiro wuxuu ku egyahay sanadka 2018, balse Arsene Wenger ayaa doorbidaya in xidigaan heerka caalami sida ay qortay The Mirror.

Ugu dambeyntiina Mesut Ozil ayaa kusoo biiray Arsenal sanadkii 2013 markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Real Madrid wuxuuna ku yimid Emirates aduun dhan 42.5 Malyan

Oo Pound.