Askar ka tirsan dowladda federaalka oo rasaas ooda uga qaaday beeraley dega degmada Awdheegle ee Shabeelada Hoose

Askar ka tirsan dowladda federaalka oo rasaas ooda uga qaaday beeraley dega degmada Awdheegle ee Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in maalinimadii shalay ay askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka soomaaliya ay laayeen dad beeraley ah , kuwaaso uu is qabqabsi kala dhaxeeyay xoolaley ku soo xadgudbay beerahooda.

Ma ahan markii ugu horeysay ay xoolaleyda ku leexiyaan xoolahooda inay daaqaan beeraha deegaanka Awdheegle, balse waxaa lagu xalin jiray xeer markaasi u yeelay oo ahaa inay mag dhaw ka bixiyaan.

Askartan ayaa rasaas ood uga qaaday beeraleydan doonayay inay la wada xaajoodaan dadkii xadgudubka ku sameeyay beerahooda sida u dhaqan ahayd. Balse xoolaleyda oo garab ka helaya ciidanka dowladda si qaab beeleed ah ayaa bilaabay inay wax yeeleeyaan odayaasha u soo gogol fadhiistay si ay uga hadlaan arintan dhacday, kadib ayaa isku badashay inay arkarta rasaas ooda uga qaadaan dadka deegaanka oo markaasi gogol nabadeed waday.

Illaa hadda inta ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ayaa noo sheegay in halkaasi laba ruux ku dhintay, dhaawacana uu gaaraayo illaa labaatan qof oo iskugu jira kuwa fudud iyo mid culusba, dhaawaca ayaa hadda lagula tacaalayaa dhaqaatiirta Muqdisho iyo Marka.

Tacadiga ay ciidamadda Dowladda geysteen intaasi kuma sii ekaan oo manta waxay xarig u geysteen oday dhaqmeedyada deegaanka o qorsheynayay inay cabasho ka dhan ah ah ciidankani ka gudbiyaan, sidoo kale waxaa hadda xabiga degmada Awdheegle ku xiran dhalanyaro ku u dhaafaya labaatan oo qorsheynayay inay odayaashooda loo sii daayo xoolaladeyda dhibka geestayna iyo tacaddiga degmadda ka dhacay ay ka dhiidhiyeen.

Oday dhaqmeed ka tirsan degmada Awdheegle oo la yiraahdo Xasan Nuur Caliyow ayaa inoo sheegay inay cabasho ka dhan ah ciidanka dowladda oo degmada ku sugan oo si beel ahaan garab u siiyay xoolaleyda meeshana lagu laayay dad rayid ah oo fara maran, ay u gubinayaan guddoomiya shabeelada Hoose iyo Madaxweynaha Dowladda iyo dhammaan inta ay quseyso arintan.

Illaa iyo haddana ma jirto qof ka hadlay tacadigan iyo askar loo soo xiray arintan.

weriye  Dahir Ali Musse

soomaaliya Awdheegle