Askar Kenyan ka oo soo laabtay Hawlgal Nabad-ilaalin ah oo la karantiilay

75 Askari oo ka tirsan Milliteriga dalka Kenya ayaa dib ugu laabtay dalkooda hooyo, kadib, markii ay soo dhamaysteen Hawlgal Nabad-ilaalin ah oo ay u joogeen dalka Koonfurta Sudan.

Ciiddankaasi oo ka koobnaa 65 rag ah iyo 10-Haween ah waxay muddo 21 bilood ah qeyb ka ahaayeen Hawlgalka Ciiddanka Nabad-ilaalinta QM ka wadaan Gobalka Daarfuur ee Koonfurta Sudan.

Taliye-xigeenka Milliteriga Kenya, Sarreeye Gaas Albert Kendagor oo Ciiddankaasi ku soo dhaweeyey Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaallada Nairobi waxa uu ku bogaadiyey Hawsha ay soo qabteen iyo inay si nabad ah ku soo laabteen.

Dhinaca kale, Ciiddanka Kenyanka ee ka soo laabtay Hawlgalka Nabad-Ilaalinta QM ee Koonfurta Suudaan waxaa la karantiili doonaa muddo 10 maalmood ah, ka hor inta aan loo fasaxin inay la midoobaan Qoysaskooda.

Mid ka mid ah Askarta Kenyaanka ee Nabad-ilaalinta u Joogtay Koonfurta Sudan oo lagu magacaabi Jirey Laba lifle Mwangi ayaa horey ugu geeriyooday Xanuunka COVID 19 bishii April ee sanadkan..