Askari dilay qof Shacab ah oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Ammaanka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gacanta kusoo dhigay Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya , kasoo xalay qof Shacab ah ku dilay Magaalada Baledweyne.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Bundaweyn,Waxaana ruuxa la dilay lagu magacaabi jiray xasan cabdule maxamed.

Carab Nuur Shabeel oo ah madaxa howlgalinta ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa Risaala u sheegay in ruuxa la dilay uu isku dayay in uu baxsado ka dibna la toogtay.

Waxaa uu sheegay in Askarigii dilka geystay in ciidamada Ammaanka ay qabteen,islamarkaana ay Sharciga marsiin doonaan.