Awdheegle Iyo Deegaanka Mubaarak oo Dib Ugu Soo Laabatay Gacanta Dowlada.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milatariga ayaa dib ula Wareegay degaanada Aw-dheegle iyo Mubaarag oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose oo  Al-shabaab ay la Wareegeen

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay Dagaal kula Wareegeen  Degaanadaasi ooSaakay Al-shabaab ay qabsadeen.

Guddoomiyaha Degaanka Aw-dheegle Maxamed Aweys Abuukar ayaa Warbaahinta  u sheegay in Ciidamada Milatariga ay hada ku sugan yihiin Awdheegle iyo Mubaarag Al-shabaabna laga Eryay waa siduu sheegaye.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ilaa Dhawr dagaalame laga dilay Al-shabaab oo hada Deegaanadaasi ay Ciidamadu ku sugan yihiin