Axmed madoobe iyo wakiilka Gaarka ah ee QM uqaabilsan aimaha soomaaliya James sawan kulan ay yeesheen kaga wada hadlay arimaha doorashooyinka 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa labada dhinac ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay dayn cafinta waxaana uu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qalabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo.

Madaxweynaha isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.

Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.